FADLIGA SOONKA MAALINTA CAASHUURA فضل صيام يوم عاشورا

FADLIGA SOONKA MAALINTA CAASHUURA فضل صيام يوم عاشورا


FADLIGA SOONKA MAALINTA CAASHUURA فضل صيام يوم عاشورا Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA..oo aan hadda kujirno. Bisha Al-muharram waa bil barakaysan oo ku wayn Allaah agtiisa, waxayna ka midtahay afarta bilood ee loo yaqaan الأشهر الحُرُم bilaha xurmada leh..sida aayada kor kuxusan ay tilmaamayso nabigana صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ uu kusheegay sunned. FADLIGA SOONKA BISHA Al-MUHARRAM: Guud ahaan waxaa kusoo aroora

sunnada nabiga in ay fadli badan leedahay soonka sunnada ah oo lasoomo bishaan barakaysan ee Al-MUHARRAM sida kuxusan xadiiska ah:( أَفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ اللَّهِ الْمُحَرَّمُ ) رواه مسلم Oo uu macnihiisu yahay: ** Soon kan ugu fadliga badan soonka ramamdaan kadib waa soonka bisha Allah Al-muharram…Muslim ayaa soo saaray Haddaba ayada oo fadligaas leh ayaa hadana waxaa ku dhex jirta maalin lagu magacaabo CAASHUURAA… MAALINTA CAASHUURAA: Waa maalinta 10aad (tobonaad) ee bisha Al-muharram MUNAASABADDA SOONKEEDA: Waa maalintii uu Allaah ka badbaadiyay NABI MUSSE عليه السلام iyo qomkiisa shartii Fircoon, marka shukri alaah dartiis ayaan usoomayna malintaasna waxay ahayd maalinta 10aad ee bisha Al-muharaam. FADLIGA CASHURA: Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَMar lalwaydiiyay soonka maalinta 10aad ee Al-muharram waxa uu ku jawabay: ” waxaan Allaah kaga ajar dalbayaa inuu ii dambi dhaafo sanadkii ka horeeyay”” عن أبي قتادة رضي الله عنه قال : سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء ، فقال : إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله . رواه مسلم Dunubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar (al-siqaar) qofkii uu ka dhacay dambi wayn oo (kabiira) waxaa looga baahanyahay inuu Allaah tawbad(dambi dhaaf) dhab ah ula yimaado inta uu haysto fursada oo aysan kadin geeridu!!..Allaah hanoo dambi dhaafo amiin.. MARTABADAHA SOONKA CAASHURA: 1-Sida ugu kaamilsan: Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib caashuuraa , oo ah soonka maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad 2-Sida ku xigta: Soonka 9aad iyo 10aad 3-Sida ugu hooseysa: Soona 10aad oo kaliya WAKHTIGA AY KU BEEGANTAHAY : Maalinta 9aad: Axad 04.12.2011 Maalinta 10aad: Isniin 05.12.2011 Maalinta 11aad: Talaado 06.12.2011 FAA’IIDOOYIN KOOBAN:- 1-waxaa fiican oo mustaxab soonka maalinta caashuura,kudayasho lagu dayanano NABIGA “صلى الله عليه وسلم ” 2-maalintaan waxaa soomay NABIGA (scw) iyo saxaabadiisa waxaa kaloo hortood soomay NABI MUUSE 3-waa maalin fadli wayn leh 4-waxaa fiican in maalinta caashuura maalin kahor ama kadib laasoomo, khilaaf la khilaafayo YUHUUDA, oo ayagana maalintaan soomi jirtay 5-Intaan ayaa kusoo aroortay fadliga maalinta”CASHURA”, wax kale oo fadli ah ama camal kale oo lasameeyaa kuma sugnaan SUNNADA NABIGA(SCW) , marka waxaa reeban oo BIDCA AH waxa ay sameeyaan dadka loo yaqaan “RAAFIDAH” ama “SHIICA” oo ah is dil iyo is mindiyeen iyo wixii la mid ah, waxaasna ma aha wax diinta ku banaan ama uu ALLAH iyo RASUULKIISU na amreen, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu ka dhawrtoonado wax walba oo khilaafsan diinta Allaah uu kusoo dajiyay NABI MUHAMMAD(SCW), ayna tahay inuu raacdo jidkuu uu NABIGA(SCW) ujideeyay ummaddiisa ahna jidkii ay raaceen saxaabada iyo salafkii suubanaa Allaah haka raali noqdee dhamaantood. 6-Maalintaana waa fadli Allah uu nagu manaystay inuu nooga dhigay soon maalin qura dambi dhaaf sanad oo dhan, marka walaalkeena islaamka ahow waxaa ku dag-dagtaa ka faa’iidaysiga maalintaan, kuna bilow sanadkaaga cusub (1433 HIJRIGA) daacada Allah iyo ku tartanka khayraadka… Allah hanaga dhigo kuwii laga aqbalo camalkooda kiisa wanaagsan..aamiin aamiin aamiiin

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

2 comments on “FADLIGA SOONKA MAALINTA CAASHUURA فضل صيام يوم عاشورا

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s