Fadliga tobanka hore bisha Dulxaj

Fadliga tobanka hore bisha Dulxaj

بسم الله الرحمن الرحيم

السلام عليكم ولرحمة الله وبركاة
أما بعد

Biisha Dul-xaj waxey ka mid tahay Bilaha Xormada leh , waxeyna lagaar tahay inay Xamabaarsan tahay Maalmo gaar ah iyo Camalo waa waweyn. Bilshada bisha Dul Xaj ayaa waxay ku beegan tahay taariikh 7.11 2010 taasi oo ah berito oo Axad ah.

Waxaana uu Allah Bishaan maalmaha ugu horeeya ku sheegay in ay aad u Fadli badan yihiin welibana waa uu ku dhaartay taasoo tuseya Weynida Tobanka Habeen ee u horreaya Bishaas.

Allaah wuxuu ku dhaartay tobanka maalmood

wuxuuna yiri : {وَالفَجرِ وَلَيَالٍ عَشرٍ } ibnu cabaas wuxuu yiri: waa tobanka maalmood ee thul xijah .

Wuxuu yiri nabigeenii Muxamed SCW maamlo ma jiraan acamaasha uu allaah ka jacel yahay tobankaan maalmood ee Dulhaj .

Hadaba ruuxa muslimka ah waa inuu ka Faa’iideystaa maalmahaan
ugu horeeya Bisha Dul-Xaj oo uu sameeya acmaal wanaagsan gaar ahaan acmaasha fadliga badan sida :

1. salaadaha waajibka ah oo loo kalaho waqti hore laguna tukado jameecada iyo in la badsado salaadaha sunadaha ah .

2. in la soomo sagaalka maalmood qofkii awooda ,[Nabigeeni muxamed ahaa SCW wuxuu soomi jiray sagaalka maalmood ee thul xijah iyo caashuuraa iyo saddax maalmood bil kasta .

3. Si gaar ah in loo soomo maalinta sagaalaad waayo Soomka Maalinta sagaalaad (carafo) aad ayuu u fadli badan yahay, waxaana lagu dhaafaa dunuubta Sanada la soo dhaafay iyo sanada soo socoto .

Nabiga Maxamed (SCW) waxaa uu sheegay ineysan jiran Maalmo uu illaah (CW) Camalka Suuban ka jecel yahay Tobankaan Maalin.

Waxaa Rasuulka Saxaabada weydiisay Xataa maka Fadli Badan yahay Jihaadka loo galo Illaah Dartiis.

uu ku jawaabay Rasuulka(SCW): Xataa Jihaadka loogalo illaah Dartiis, marka laga reebo Ruux Labaxay Naftiisa iyo Maalkiisa ee aan midna kala soo noqon.

W/Q/ SHARIIF
By Al-BADAR STEREO

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s