Aadaabta Soonka Sh Maxamed Cabdi Umal Xafidulah

Aadaabta Soonka Sh Maxamed Cabdi Umal Xafidulah
Soonku maadaama uu yahay Cibaado Ilaahay loogu dhawaanayo, isla markaana uu addoonku kaga doonayo abaal marin iyo dambi dhaaf, waxaa fiican inuu addoonku waxyaalaha Khayrka ah badsado, oo iska ilaaliyo waxyaalaha u keeni kara Soonkiisa Ajar yaraan iyo nusqaan, waxyaalaha qaofka looga baahan yahay inuu ku dadaalana waxaa ka mid :-

1-Akhrinta Quraanka oo ay tahay in mar walba uu addoonku ku dadaalo Quraanka akhrintiisa iyo barashadiisaba, hase yeeshee ay tahay inuu bisha Soon sii kordhiyo sidii u Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yeeli jiray oo kale. Bukhaari waxa uu soo wariyay in Ina Cabbaas Ilaahay isaga iyo aabihii ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:- Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka ugu deeqsisan dadka , waxaanu ugu sii deeqsisanaa bisha Ramadaan oo uu Jibriil la kulmi jiray, waxaanu la kulmi jiray habeen kasta oo Ramadaanka ka mid ah , markaasuu bari jiray Quraanka, markaa Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuu uga deeqsi badnaa khayrka dabaysha dhabata.

2-Tobanka dambe ee bisha Ramadaan oo Cibaadada lagu dadaalo, iyadoo ka sugnaatay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu umaddiisa ku booriyay inay habenka Laylatul-Qadriga ka baadhaan tobanka dambe ee bisha Ramadaan. Bukhaari iyo Muslim waxay soo wariyeen inay Caa’isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay tidhi:- “Nabigu naxariis iyo nabadgalyo eebbe korkiisa ahaataye marka ay tobanka dambe soo galaan habeenkii ayuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu kicin jiray, guntiga ayuuna giigsan jiray”.

3-Suxuurta oo ah inuu qofka muslinka ahi uu cuno cunto haba yaraatee. Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-” Suxuurta, Suxuurtu waa Barako e” Muslim iyo Bukhaari ayaa wariyay. Umadda Muslimiinta ahina waxay isku raaceen inay arrin wanaagsan tahay, laakiin qofkii ka taga dambi ma raacayo. Waqtigeeduna waa gelinta dambe ee habeenkii ilaa waagu ka dillaacayo, iyadoo ay wanaagsan tahay in dib loo dhigo. Sayd Binu Thaabit ayaa yidhi:- “Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaanu la Suxuurannay, markaasaanu Salaaddii isku taagnay (Salaaddii Subax). Markaasaa la waydiiyay inteebaa u dhaxaysay?, wuxuu yidhi:- Konton aayadood in la akhriyo”.Bukhaari iyo Muslim baa wariyay.

4-Afurka oo la dadajiyo, taasoo ah inu qofka Soomani uu dadajiyo afurka marka uu hubsado in cadceeddi dhacday. Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-”Dadku khayr bay ku jiraan inta ay afurka dadajinayaan” Bukhaari iyo Muslim baa wariyay. Waxaana fiican in uu qofku ku af billaabo timir, haddii uu waayana biyo. Nabigeenu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-”Haddii midkiin Sooman yahay ha ku af billaabo timir, haddii u timir waayana biyo ha ku af billaabo, biyuhu waa daahire” Axmed iyo Tirmiidi ayaa wariyay. Sida fiicanna waa inuu Salaadda ka dambaysiiyo afurka. Sidoo kale waxaa fiican inuu qofka afurayaa ducaysto. Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa laga soo wariyay inuu yidhi:-”Saddex Ducadooda lama celiyo (Eebbe wuu ka aqbalaa):-Ka Sooman ilaa uu ka afuro,Imaanka caadilka ah iyo dulmanaha“ Tirmiidi baa wariyay.

5-Iska ilaalinta wax Soonkiisa wax u dhimi kara, taasoo ah inuu qofku iska ilaaliyo wax Soonkiisa wax u gaysan kara, iyadoo ay tahay in Soonku kaliya uu yahay in laga Soomo cuntada,cabitaanka iyo waxyaalah reeban ee kaleba balse uu yahay camal suubanaan Ilaahay loogu dhawaanayo. Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxa uu soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-”Ka aan ka tagin beentu iyo ku shaqaynteeda, markaa Ilaahay waxba ku fali maayo inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabitaankiisa” Kooxdaa warisay Muslim mooyaane. Waxaa kale uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uidhi:-”Badanaa qof Sooman oo aan gaajo mooyaane Soonkiisa waxba ku lahayn, badanaana mid taagan (oo Salaadda habeenkii u taagan) oo taagnidiisa ku lahayn soo jeed mooyaane” waxaa wariyay Annisaa’i,Ibnu Maajah iyo Al-Xaakim.

Tiirka Suunka

Soonku wuxuu leeyahay laba tiir oo uu ku sugnaanayo marka lala yimaaddo, labadaas tiirna waxay kala yihiin:-

1- Iska dhawrista waxyaalaha jabiya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa cadceed(qorrax) dhaca laga gaadhayo, waxaanu caddaynaya hadalkii Eebbe uu ku yidhi:-” Hadda u taga (dumarkiina) kana doona wixii Ilaahay idiinka qoray, cuna oo cabbana ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw oo waaga dillaaciisa ah,markaana dhammaystira Soonka ilaa habeenka” Suuradda Al-Baqara aayadda 187aad. Dunta cad iyo dunta madawna waxaa looga jeedaa caddaanka maalinimo iyo madaw habeenkii.

Waxaa kale oo u markhaati ah Xadiiskii ay Bukhaari iyo Muslim soo wariyeen in Cudayyi Binu Xaatim uu yidhi:- Markii ay soo degtay (hadalkii Ilaahay korree oo nasahnaa ee ahaa) “Ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw” ayaa soo qaatay dabar cad iyo mid madaw, markaasaan barkinta hoos gashaday, anigoo habeenka kolba ku eegaya, iyadoo aanay ii kala caddaan, markaasaan markii waagu baryay aan kula kallahay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo arrinkii u sheegay, markaasuu yidhi:-” Arrinkuu sidaas maahayne waa madawga habeenkii iyo caddanka maalinimo“.

2-Niyada oo ah in qofku uu niyaysto inuu Soomayo. Ilaahay korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-” Lamana amrin inay caabudaan Ilaahay mooyaane, iyagoo u gaar yeelaya isaga Diinta“. Iyo hadalkii Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ee ahaa :-”Camal oo dhami waa niyada, qof kastana wuxuu niyaysto ayuu leeyahay“. Niyaduna maaha wax lagu hadlo ee waa qalbiga, markaa qofku hadduu Suxuurto isagoo Soon u jeeda wuu niyaystay, qofka goosta inuu iska joojiyo waxa jabiya Soonka isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wuu niyaystay yaanuba xattaa Suxuuranne.

Culimada badankoodu waxay isku raaceen in Soonka Sunnada (dheeriga) ah waxaa kaaga filan inaad maalinimadaba niyaysato haddii aanu waxba cunin. Caa’isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxay tidhi:- Waxaa ii soo galay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye maalin, markaasuu yidhi:-”Wax ma haysaan (cunto guriga ma taallaa) ?”. Markaasaan ku idhi:-Maya. Markaasuu yidhi:-”Haddaa waan Soomanahay” Muslim baa wariyay

W/Q SHARIIF

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s