Sheekh Maxamed Cabdi Umal Khudbadii Shalay Jimcaha farriin qaylo dhaan ah u diray dadka wax haysta Ee Ku Nool Nairobi

Sheekh Maxamed Cabdi Umal Khudbadii Shalay Jimcaha farriin qaylo dhaan ah u diray dadka wax haysta Ee Ku Nool Nairobi

Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ah mid ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee aadka loo yaqaano oo maanta khudbad ka arkhriyayay masaajidka weyn ee Abuu Bakar ee ku yaalla magaalada Narobi gaar ahaanna xaafadda ay soomaalidu degan yihiin ee EastLeigh ayaa farriin u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed ee Eebbe gacantooda wax gashay.

Shiikha Umal oo tusaalooyin badan oo kala duwan soo qaatay, ayaa wuxuu ka warramay sida Muslimiintu u yihiin walaalaha iyo sida la rabo in ay isugu xir naadaan oo midba midka kale uga diiro marka ay dhibaato ku habsato, ulana farxo marka uu helo wanaag iyo khayr.

Khudbada shiikha oo aad u xamaasad badnayd wuxuu dadka ku booriyay in ay walaalohooda dhibaatadu haysato aysan ku fiirsan ee ay kala qaybgalaan lana gurmadaan, si ay culayska uga dulqaadaan ama uga yareeyaan. wuxuu shiikhu dadka xusuusiyay qisooyin kala duwan iyo dhacdooyin aad u qiiyo badnaa oo dhacay xilligii Rasuulka Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee, kusaas oo dadka dareenkooda aad u soo jeediyay.

Ugu danbayn Shiikhu wuxuu dadka ku wargaliyay in Muslimiinta maanta hays taan dhibaatooyin kala duwan kuwaasna ay ka mid yihiin abaaro ballaaran oo aan cidna dhaafin, sidaas dardeedna ay tahay in loo istaago. isaga oo dadka ku wargaliyay laga bilaabo habeenka Axadda ah in la guda galidoono sadaqa aruurin loogu talagalay dadka abaaruhu ku dhufteen.

KHUD BADA SHEEKHA OO COD AH GOR DHOW BAAN SOO GALI DOONAA HADII ALE IDMO
YOUTUBKA AFSOMALI & AF CARABI

By Albadar

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s