”Taariikhdii Noleedkii Shiikh Cumar Faaruuq oo dhameystiran” Inaa Lilaahi Wa inaa ileyhi raajicuun

”Taariikhdii Noleedkii Shiikh Cumar Faaruuq oo dhameystiran” Inaa Lilaahi Wa inaa ileyhi raajicuun

Waxaa shabakada Somalimirror.com soo gaartay taariikhdii Rabbi ha u naxariistee Shiikh Cumar Xaaji Cabdisuldaan oo xaley ku geeriyooday wadanka Sucuudiga, waxaana halkan idiinkugu soo gudbineynaa taariikhdii Shiikha oo dhan.

Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay

degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabri daharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay “Carmaale” .

Waxa uu dhashay sida la sheegay goor barqo ah, maalin Khamiis ah, xilli deyr ah, laakiin si cad looma hayo bisha iyo sannadka.

Carmaale waxa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo. ka koobneyd dugsi Quraan oo uu hayey wadaad la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis, iyo cilmiga oo isagu uu akhrin jirey.

Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashey qoys diimeed. Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootey, aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano. Isagoo weli la gudin baa Aabbihii dhintey.

Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo iyo walaalihiis ka waa weynaa. Sheekha dugsiga qur’aan, dugsigii 1aad wuxuu galey isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah. Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen Sh. Axmed-guure la yiraahdo. Dugsigaasaa isagoo 12 jir ah uu Quraanka Kariimka ku dhameeyey.

Markaa Qur’aanka Sh. Cumar-Faruuq 3 goor buu dhameeyey. Ka dibna isagaaba macallin-dugsi noqdey, markaasoo uu 14 jir ahaa. Mar wuxuu ku qabtey dugsi magaalada Qallaafe isaga oo kutubta raacda oo xer ah, una dhiga carruurta reerkii uu markaas uu la noolaa. Reerkaasi oo uu lahaa nin la yiraahdo Olol Diinle, waxay saaxiib ahaayeen aabahiis. Dugsigii labaadna wuxuu u qabtey niman reer Ugaas la yiraahdo, meel la yiraahdo Maraacaato. Dugsigaas labaadna ardey badan baa kasoo aflaxdey oo waa uu kiciyey.

Sheekh Cumar Faaruuq Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Shiikh Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane.

Dhinaca luqadda Carabiga guriga ayaa loogu akhrin jirey, niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sh. Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid ayaa si toos ah ugu akhriyey Naxwaha, Ajruumiga, Camriidiga, Mulxaha, Mutamimka, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha. Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u akhriyey wadaad la dhihi jirey Sh. Yuusuf muddadaasoo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa.

Cilmiga Xadiiska ayuu markaa nin Sh. Ibraahim Muxumed Cali (Sh.Ibraahim Suuley) ka akhristay. Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassa ku taalley Xamar oo la oran jirey “Machadu-Diin bil-Muqdisho” oo ay Masaaridu dhigi jirtey. Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe.

Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku yaalay xaafada KM-4, waxaana maamuli jiray Sucuudiga. Kadib waxa uu galay Jaamacadda Medina, kulliyadda “Al-Dacwa wa-usuula-Diini”, markaasoo taariikhdu ahayd 1975, wuxuuna ka qalin-jabiyey 1979kii.

Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay Sacuudiga. Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah iyo siirada oo dhowr kitaab ah, manhajul-Muslim, taysiirul-aclaam, Arbaciinu-Al-Nabawi iyo kutub fara badan oo noocaas ah intii uu joogey Sucuudiga. Kutubadaas ayaa gaarey Yurubta iyo Ameerikaba. Kutubtaas dartood baa dadkii ku noolaa dibedda ay jecleysteen inay arkaan, markaasoo uu 1993kii bishii July 12keedii uu Shiikhu tegay dalalka Sweden, Norwey, Danmark, Finland, Swizarland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadaraad iyo duruus kaleba.

Kadib sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryaaley, Afgooye, Wallaweyn, Buurhakaba iyo Baydhabo.

Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran oo ka kooban seddex qaybood. Kan hore waa midaynta culimada diinta ku abtirsada, mid mid ama xisbi xisbi ha ahaadeene; Kan labaad (Tawjiihul Uzucamaa) la talinta iyo toosinta ragga qabqablayaasha ka ah siyaasadda Soomaaliya; iyo qaybta seddexaad (Tadqiiful-Ummah) oo ah waxbaridda ummadda Soomaaliyeed, oo siduu sheegay Shiikhu “goorahan dambe Ilaahay hanuun siiyey” sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdi iyo waano.

Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu ahaa mufti ay ay ixtiraamto bulshada Soomaaliyeed, waxqabadkiisuna uu ka muuqdo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, iyadoo cilmigiisa dunida oo dhan laga wada raacdo. Dalka Sucuudiga oo uu degganaa tan iyo 1974kii, waxa uu si toos ah uga akhrin jiray kutubta, kuwaasoo cajaladaha laga duubo muxaadarooyinkiisa ay soo gaari jireen dunida inteeda kale.

Laba goor ayuu Soomaaliya tegay Sheekh Cumar Faaruuq, halkaasi oo uu ka bilaabay tafsiir xaafadda km 4, duruustaasi oo maqal iyo muuqaalba laga duubay si mar walba loo isticmaalo faafiddooduna u fududaato.

Waxa uu islamarkaa Jimcayaasha jeedin jiray muxaadaro looga kala yimaado Muqdisho iyo magaalooyinka ku hareeraysan sida Afgooye, Marka, iyo Qoryoolay. Tirada ka soo qaygasha dhagaysigiisa waxa lagu qiyaasay 4000 oo qof markiiba, iyadoo celcelis ahaan ay 1500 oo ka mid ahi haween yihiin.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu leeyahay 13 carruur ah iyo afar xaas, iyadoo ubadkiisa iyo kuwa ay sii dhaleen ay gaarayaan dhowr iyo labaatan.

Sheekha ayaa maanta ku geeriyoodey Sacuudiga, waxaan leenahay Ilaahey janadii fardowso haka waraabiyo. Qabrigiisana ha u waasiciyo .Anagana Allow bacdigii hana fideyn… AAMIIN

Inaa Lilaahi Wa inaa ileyhi raajicuun.

Xigasho”Somalimirror.com

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s