Ciidamada Cadowga Yuhuudda oo bur buriyay Masjid ku yaala Daanta galbeed ee dhulalka Falastiiniyiinta

Ciidamada Cadowga Yuhuudda oo bur buriyay Masjid ku yaala Daanta galbeed ee dhulalka Falastiiniyiinta

Ciidamada Cadowga Yuhuudda ee Xoogga ku heysta dhulalka barakeysan ee Falastiin ayaa saakay waabarigii waxay bur buriyeen Masjid ku yaala deegaanka lagu magacaabo dhaabuus oo ku yaala daanta galbeed ee dhulalka falastiiniyiinta.

Warbaahinta ayaa baahisay in Ciidamo Yuhuud ah oo ku hubaysan gawaarida dagaalka iyo Baldoorsado ay bur burin ugeysteen Masjidka lagu magacaabo Kharbatu Yazra oo ku yaala deegaanka dhaabuus ee hoos yimaada daanta galbeed,waxaana bur burinta Masjidka loo geystay ay timid kadib markii Ciidamada Sahyuuniyaddu ay ka warheleen in dadku deegaanku ay doonayaan inay dayactiraan qeybo ka mid ah Masjidka.

Ciidamada Cadowga Yuhuuddu waxay sidoo kale jidil iyo garaacis Arxan darro ah ay ugeysteen Shacab Muslimiin Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa deegaanka dhaabuus,waxaana dadka Jirdilka iyo garaacista loo geystay ku jira Haween iyo Caruur aad u yar yar,kuwaasi oo qaarkoodna Xabsiga loo tabaaxay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare ukacay falalka Cadowtooyo ee ka dhanka ah Masaajidda ee ay ku kacayaan Ciidamada Yuhuudda ee gumaysiga ku haysta dhulalka Falastiiniyiinta,iyadoona maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Yuhuudda ay bur burin iyo xadgubyo kula kaceen Toboneeyo Masaajid ah.

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s