Qolka Paltalk-ga Dacwatu Towxiid Center iyo Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan oo Barakacayaasha Soomaaliyeed u qebiyay Hilib Udxiyo ah .(Daawo Sawirro)

Qolka Paltalk-ga Dacwatu Towxiid Center iyo Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan oo Barakacayaasha Soomaaliyeed u qebiyay Hilib Udxiyo ah .(Daawo Sawirro)

This slideshow requires JavaScript.

Walaalaha Soomaaliyeed Ee Majmuucadda Dacwatu-Towxiid Somali Center oo u qeybisay Barkacayaasha Soomaaliyeed Hilib Udxiya ah.
Walaalaha Soomaaliyeed ee ku kala nool Daafaha Caalamka oo

sida tooska ah ugu xeran Qolka Baaltalk ee Somali Islamic Dacwatu-Towxiid Center ayaa waxay u istaageen Biloowga Bisha Dul-Xajah uruurinta Qarashaatka lagu Fulin lahaa Mashruucan Qeybinta Hilibka Udxiyada , taa oo ah Howl looga Bartay Fulinteeda ama u istaagideeda Majmuucada Dacwatu-Towxiid Somali Center Sanad waliba xilligaan oo kale.
Xoolaha Udxiyada Sanadkan loo qeeybiyay ayaa waxay Gaaraayeen 70 Ari
( Todobaatan Ari ) iyo 1 geel ah ( Hal Neef oo Geel ah ).

Lacagaha lagu iibiyay Xoolahani ayaa waxaa soo diray walaalaha Soomaaliyeed ee Qurba Joogta ah ee ku kala Nool Daafaha Caalamka .
Hilibkani Udxiyada ayaa waxaa ka faaideystay Qoysas ku dhaw 500 qoys oo ka mid ah Barakacayaasha ku Barakacay duleedyada Magaalada Muqdisho.

Ma ahan marki ugu Horeeysay ay wax u qeybiyaan Barkacayaasha walaalaha Majmuucatu-Towxiid Somali Center iyadoo sanad waliba Xilligan oo kale ay Qeybiyaan Hilibka Udxiyada , Qeybinta Zakaatul Fidriga , Afurinta Dadka Sooman Bisha Ramadaan , Qeybinta Lacagoo Kaash ah , Qeybinta Bacaha Roobka laga hoos galo , qeybinta Raashiin Ceyriin ah sida : Bur , Bariis , Sonkor , saliid , Galley , Timir .

Dadkani Barakacayasha ayaa ugu Horeyn alaah u mahad celiyeen kadibna walaalaha Soomaaliyeed ee Dacwatu-Towxiid Islamic Center ayaga ugu baaqay qurba Joogta kale ineey Sidan si la mid ah usoo Xasuustaan kana qeyb qaataan Taakuleeynta walaalahooda dhibaateeysan ,

N.B. ( F.G.) :

Sidoo kale waxaa Jiray walaalo kale oo lasoo Xiriiray Maalmaha Labaad ee ciidul Adxaa ayna soo gaarsiiyeen lacago kale oo loogu tala galay udxiyo islamarkaana la gaarsiiyay Qoysaska barakacayaasha , waxaana fuliyay Mashruucan qaar ka mid ah walaalaha Majmuucada Dacwatu-Towxiid Islamic Center oo ku sugan Gudaha Dalka Soomaaliya.

Xigasho http://www.radioalfurqaan.com

Daawo Sawirada

This slideshow requires JavaScript.

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s