Abtirkii Nabiga (SCW)

Abtirkii Nabiga (SCW)

walaal waxaan kuusoo gudbin abtiriska rasuulka scw iyo abtiriska hooyadiis iyo adeeradiis tiradooda iyo magacyadooda iyo eedooyinkiis iyo caruustiisa iyo xaasaskiisa ee walal sidaa ula soco

abtirka rasuulka scw waa sideee ?

muxamad binu cabdilaahi binu cabdil mudalib binu haashim binu cabdi manaaf binu qusayyi binu kilaab binu murah binu kacab binu lu,ayi binu qaalib binu fihri binu maalik binu al nadar binu kinaana binu khuzeyma binu mudrika binu ilyaas binu mudar binu nazaar binu macid binu cadnaan
wixii ka danbeeya cadnaan waa la isku khilafay intaas ayaa culumadii isku waa faqeen ana intaas baan ku ekaysan ee sidaa ogow

nabiguna scw wuxuu ka dhashay walaal qabiilka la dhaho quraysh qurayshna waxay ka mid tahay carabta carabtuna waxay ku abtirsataa nabiyulaahi ismaaciil scw nabi ismaaciil wuxu ku abtirsadaa nabiyulaahi ibraahiim oo aabihiis ah scw

hooyadiis waxaa la dhahaa aamina bintu wahab bintu cabdi manaaf bintu zuhra bintu qussay bintu kilaab

oo wixii intaa ka danbeeya waxay isku abtirsiimo yihiin rasuulka scw ee sidaa ula soco

nabiga scw adeeradiis waa meeqo magacyadood ?

walaal waa 12 adeer oo waxay la wada dhasheen aabihiis

1 abuu daalib 2 xamzah 3 al cabaas 4 diraar 5 al zubayr 6 xajal 7 cabdul kacbah 8 quthum 9 al muqawim 10 al qaydaaq 11 al xaarith 12 abuu lahab

nabiga scw meeqo eedo ayuu lahaa magacyadood ?

wuxuu lahaa rasuulku scw 6 eedo waxayna lawada dhasheen aabihiis

1 umayyah 2 safiya 3 arwaa 4 caatikah 5 umu xakiim 6 burah

wiilashii uu dhalay rasuulku scw meeqo ayay ahaayeen ?

walaal wuxuu dhalay rasuulku scw 3 wiil waxayna kuwada dhinteen yaraantii waana kuwan magacyadoodii

1 ibraahim 2 qaasim 3 cabdulaahi

gabdhihii uu dhalay rasuulku scw waa meeqo magacyadood ?

walaal waa 4 gabdhood waxaana halkan kuugu soo gudbin mid walba magaceeda iyo saxaabigii guursaday magiciisa iyo caruurtii ay u dhashay magacooda ee walaal sidaa ula soco

1 zeynaba waxaana guursaday saxaabiga la dhaho abul caas binu rabiic waxayna u dhashay afar caruur ah
a ) cali b ) umaamah c) yaxyaa d) muxamad

2 fadimah waxaana guursaday cali radiyalaahu canhu waxayna u dhasahay
a) xassan 2) xusseen 3) muxsin 4) ruqayah 5) umu kalthuum 6) zeynab

3 ruqayyah waxaa guursaday cuthmaan binu caffaan waxayna u dhashay halwiil oo la dhaho cabdulaahi

4 umu kalthuum waxaa guursaday cuthmaan binu cafaam marki ay ka dhimatay ruqayyah waxna maysan u dhalin

ii sheeg magacyadii xaasaskii nabiga scw ?

1 khadiija bintu khulaylid 2 sowda bintu zacmah 3 caaisha bintu abii bakar alsidiiq 4 xafsah bintu cumar binu khadaab 5 zeynab bintu khuzeymah 6 zeynab bintu jaxshi 7 juwayriya bintul xaarith 8 umu xabiibah ramla bintu abii sufyaan 9 safiyah bintu xuyayi binu akhdab 10 umu salamah hinda bintu abii umayya 11 meymuun bintu xaarith

iyo labo adoomo oo kala ahaa
maariya bintu shamcuun iyo reyxaana bintu zadid

labo kamid ah xaasaska rasuulka scw waxay dhinteen intii uu noolaa khadiijo iyo zeynab bintu khuzeyma walaal wuxu rasuuku ka dhintay sagaal haween ah sida la isku waa faqsan yahayna waxuu guursaday rasuulku scw 11 kaas xaas marka walaal sidaa ula soco

Waxaa idin Soo Diyaariyaya
Abdirahmaan Tabliiiq

<

Waxaa Idin Soo Gibiyay Maktabada Duubista Cajaladaha Diiniga Ah Ee Al-Badar Islamic Stereo & Book Shop
Niarobi-Kenya 7Street Next Xawaalada Dahabshiil – Islii
Tel.+254-721566131 Ama +254-733566131
E-mail. albadarislamic@hotmail.com Ama Albadarislamic@gmail.com
P.BOX 71636 -Nairobi-Kenya Isliiii

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

33 comments on “Abtirkii Nabiga (SCW)

  1. waxaan kula talin laahaa ummada somaliyeed meel kastao oo ay joogaan iney markast ku saliyaan rasuulkeena muhamed scw oo runtii in badan usoo halgamey sidii aynu u qaden laheyn diinta islaamka uguna badbaadi laheyn naarta khatar ah waanu inaga badbaadiyey cidii ka leexata wadaadiisa waxaan qof kasta kula talinayaa inu ka toobad keeno wixii gaf ah ee u galey waayo bil barakeysan oo dambiyada la dhaafo cidii shaqeysataa ee camal wanaagsan ilaahey daradii u sameysaa
    wasalaamu caleykum waraxma tulaahi wa baraatu

  2. Walaalayaal Abtirsiinta Nabiga inlabarto waa waajib ee aan ku dadaalno sidaan ubaralahayn walaalayaal hadaan soo maalinahay waxa dandeena ah manaqaano maxaayeelay waana qaanaa ciyaartoyta kubada balse manaqaano 99MAGAC EE ILAAHAY IYO ABTIRSIINTA NABIGA NNKH haddaan intaa aan xiftino kuna canal falno waxaan galaynaa JANADULFARDOWSA inshaa allaah BY YOUNG PIOUS

  3. Walaalayaal Abtirsiinta Nabiga inlabarto waa waajib ee aan ku dadaalno sidaan ubaralahayn walaalayaal hadaan soo maalinahay waxa dandeena ah manaqaano maxaayeelay waana qaanaa ciyaartoyta kubada balse manaqaano 99MAGAC EE ILAAHAY IYO ABTIRSIINTA NABIGA NNKH haddaan intaa aan xiftino kuna canal falno waxaan galaynaa JANADULFARDOWSA inshaa allaah tariikhta Islamku waa SAFAR 23 1434 happy new year of Islam BY YOUNG PIOUS & Abu hureyra

  4. Asc.wr mansha Allah jaza kalahu kheyr inta so diyarisay ajir iyo xasanad an la so kobi ka rin Allaha in ka siyo, codsi walal hadii ad Email ahan igu so diri kartan i sodira mahadsanidin.

  5. Asc wr wb,Maashaa allah waxaan umahada celineya kii noo diyaariye wacx yaabahaan ee diiniga ah,waxaan rajeenaa inkabadan inaan kabarto halkaan inshaa allah asc wr wb

  6. Asc wr wb ikhwatii fillaah su,aal aan rabaa inaa idin weydiiyo,maalin maalmaha kamid ah ayaan dhuxul iib sanaaye bacdeen ninkii ayaa asxaan ii faley aan ku dhehey waad mahadsantahay kabacdi uu dhehe adoonku mahad malehen waan fahmi waaye ee ma la i fahan siin karaa(fas aluu ahlathikri inkuntum laa taclamuun)asc

  7. Asc wr wb. walaalaha muslimiinta ah oo dirsigaan aadka umacaan noosoodiyariye ilahey ajir iyo xasanaad an lasoo kobikarin hakasiiyo run ahaantii aad iyo aad ayaan uga faideeystay insha allah ingabadane waan rajeeynya inaan ka faa ideeysto asc

  8. Asc walaalayaal waxaan alle idiin ka baryaynaa anaga iyo idinkaba in janada eebe ina geeyo inagana dhigo kuwii nabi maxamed scw raaca rumeeya rafiiqiisa raaca asc alle haydinka siiyo cahsrkan khayr iyo xasanaad asc

  9. Waxan ku waninlaha musliminta mel walbe o eyjoganba inay bartan sirada nabiga scw o kudhaqman rag iyo dumarba . Waxadna oga tan adunkan inusan waxba ahayn . Kun fidunya ka anaka qarib ow cadirisabil

  10. Ad ayaan idinku ducaynay soo diyaariyaasha sirada nabiga scw ilaahay janatul firdowsa haniga warabiyo

  11. Masha Allah waa wax lagu farxo barashada iyo sida loga fa idaystay inta soo diyaari saynay jaza ka Allah

  12. Asc dhamaan musluniinta meel kastoo joogaan run ahaanti masha ALLAH waa mahadsantihiin ALLE kasoke inta waqtigooda badan taam yeeshay faafinta diinta insha ALLAH waxad ALLE agtii kaheli doontaan awaal marin maalinta qiyaamo anaguna waan idin sooducyn doonaa sodookale anguna ALLAH naga dhigo kuwii xifdiya diintoo idil iyo sidookale kuwii ku dhaqma ALLAH naga dhigo a s c

  13. asc waan idin salaamay meeqa magac ayuu leeyahay rasuulka calayhi salaatu wasaam waad mahadsantihiin

  14. Asc aad iyo aad uu mahadsan tihiin alxmdulillah
    Waan copy Garesty mar walbana waan aqrinaya so aan u xifdiyo ilaah hailaa
    Garab galoo Amiin allh alla mhd uu sugan thy o muslim
    Inaga dhigey

  15. asc waxan xalakan kasalamaya dhaman umada muslaminta inta fudadeysay siirada rasulka iyo inta dawatey iyo inta an dawanin iyo inta dawandonta dhaman ilaaha xa idin afido

  16. Asc dhaman muslimiinta mel kasto. Joogtan waxa nileyahay alxamdulilah alle ayaa mahad iska leh oo naga dhigay musliim walalayal waxaa nagala rabaa inaa qaatano sunatii nabigeena subanay scw

  17. allh ajar iyo xasanad haa nika siiyo intii soo diyarisay johdigaan oo qeerka badan waa muhiim in labardo af tiriska nabi mohamed scw waxan heysanaa fursad manta wan nolnahay bari alaho aclam qof walibo waa inad is xisaabisaa intan lugo xisaabanin qerka an qadano waxyabaha xunxun an katagno

  18. allh ajar iyo xasanad haa nika siiyo intii soo diyarisay johdigaan oo qeerka badan waa muhiim in labardo af tiriska nabi mohamed scw waxan heysanaa fursad manta wan nolnahay bari alaho aclam qof walibo waa inad is xisaabisaa intan lugo xisaabanin qerka an qadano waxyabaha xunxun an katagno waa iga waano asc maraxmatulaahi wabarakatu

  19. Asc dhamaan muslimiinta oo dhan meel kasta eey jogaan ramadaan kariim ayàan idin leyahay marka 2aad qof waliba waajibka saran ayaa ah inuu illaah kabaqo meel kasta uu joogo mida kale aan rabo inaan halkaan wax uga sheego wlkeyga muslim ah in dhamaan la barto diinta islamka iyo siirada rasulkena csw

  20. Asc wamahad santihiin halihii aankafaa’idnay ajar iyo xasanaat alle ha idankasiiyo

  21. mashallah ilaahay ha ugargaaro ruuxii qoray iyo umadii commentiga kasoo dhiibatay. Ilaahay hanaga dhigo kuwii ku camal fala rasuuulkeena nabi Muhhamed(saw). Umada soomaaliyeed waxaan ku oran lahaa intii aad baran lahaydeen qabyaalad barta abtiriskii nabi muhhamed (saw). Jazaakalaahu khayran.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s