Towjiihaadku Saabsan Tobanka Dambe ee Ramaddaan

Towjiihaadku Saabsan Tobanka Dambe ee Ramaddaan

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Ilaah wuxuu diinta Islaamka ka dhigay diin sahlan. In Ilaahay arrimaha kuwooda sahlan nala rabo waxaa lagu xusay Aayadaha ka hadlaya Soomka iyo Aayado kale. Waxaan filayaa in qof kasta oo muslim ahi ka dheregsanyahay Raxmadda, dhambi-dhaafka iyo cadaab-ka-xoreynta lagu sheegay Ramaaddaanka guud ahaan iyo fadliga uu

leedahay habaynka Leylatul Qadarka gaar ahaan.
Runtii waa dheertahay doodda ka taagan cayimidda habaynkaas. Ibnu Xajar iyo culumo kalaba waxay soo tiriyeen aqwaal ka badan 40. Qaar waxay dhaheen waa habaynka ugu horreeya Ramadaan; qaar kale habaynka ugu dambeeya. Hadallo caan ka ah culumada waxaa ka mid ah inuu yahay 21-ka ama 23-ka ama 27-ka Ramaddaan iyo hadallo kale.
Maaddaama bishu ku dhammaan karto 29 iyo 30 ba ayaan

Towjiixaadkeyga waxaan ku soo daray jaantusyo (calanders & Tables) aan kaga hadlayo habaynkee laga bilaabayaa tirinta 10-ka habayn oo dambe marka bishu 29 ku dhammaaneyso? Marka bishu 30 ku dhammaaneyso iyada tirinta tobanka habayn oo dambe waa iska caddahay. Waxaa Towjiihaadkaas igu dhaliyey waa markaan arkay inaysan suurtogal ahayn in la jamciyo marka bishu ku dhaammaaneyso 30 iyo 29 hadii tirinta laga bilaabo habaynka 21-naad; tusaale ahaan marka saxaabiga Saciid Al-Khudriyi (RC) yiraahdo habayka Ramaddaan ay ka harsan tahay 9 cisho. Markii Ramaddaanku 30 ku dhammaanayo oo la joogo habaynka 21 haddii habaynkaas lagu daro waxaa Ramaddaan ka harsan 10; haddii habaynkaas laga saarana 9. Halka markuu ku dhammaanayo 29 haddii laga bilaabo tirinta 10-ka dambe habaynka 21-naad waxaa Ramaddaan ka haraya 9 haddii habaynkaas lagu daro haddii kalana 8. Marka marna isuma imaanayaan. Marka marka la leeyahay marka 9 ama 7 ama 5 habayn ka harsan tahay Ramaddaan haddii mar kasta oo Ramaddaan ku dhammaanayo 30 ama 29 tirinta laga bilaabo habaynka 21-naad waxaa halkaas ka soo baxaysa inaysan isu imaan karin! Marka waxaan soo jeedinayaa oon rabaa in laga hadlo: inkastoon cidna saadaalin karin caddadka Soonku ku dhammaanayo haddana markuu 29 ku dhammaanayo ma dhici kartaa in laga soo bilaabo habaynka 20-naad si hal Xaddiis u wada daboolo bisha oo 30 ku dhammaata oo 10 ka habayn sida la yaqaan loo tiriyo iyo iyadoo 29 ku dhammaata oo tobanka dambe laga soo tirinayo habaynka labaatanaad saas u heshid 10 habayn oo dambe? Arrintaas darteed baan jaantusyada ku daray iyadoo tobanka habayn laga soo bilaabayo hoos “count down” ama aad dhihi kartid inta habayn ka harsan 10-ka dambe marka habaynkaas lagu daro. Towjiihaadka aan rabo badanaa kuma arkaysid kitaabada looga hadlo soonka marka si aad uga bogatid maqaalkii oo dheer oo jaantusyo iyo midabbo wata furo ninkaxa hoose

ilaah waxaan ka baryeenaa in na ga aqablo soonkeeniii & Cibadadeenii
amiiin aamiin

waxaa Idin Soo Gubiyay Maktabada Al-Badar Islamic Stereo & Book Shop Nairobi-Kenya -Gaar Ahaan Xaafada
Islii 7Street Next Xawaalada Dahabshiil -islii
Tell +254-721566131 Ama +254-733566131
E-mail.albadarislamic@hotmail.com Ama Albadarislamic@gmail.com
P.Box 71636 Niarobi-Kenya Islii

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s