Walaalaha Shabakadda Dacwatu Towxiid Centre oo u Qeybiyay Raashiin Ceeriin ah Barakacayaasha Sooman ee Soomaaliya.(Daawo Sawirrada)


Walaalaha Shabakadda Dacwatu Towxiid Centre oo u Qeybiyay Raashiin Ceeriin ah Barakacayaasha Sooman ee Soomaaliya.(Daawo Sawirrada)

Walaalaha Shabakada Dacwatu Towxiid Islamic Center oo u qeybiyay Raashiin ceeriin ah Barakacayaasha Sooman ee Soomaaliya. Mashruucaan Raashin qeybinta ayaa waxaa loogu magac daray ” ku Afuri waxaad awoodo walaalkaa Muslimka ahi “. Walaalaha sida i tooska ah ugu xiran qolkaPaltalk gat ee Somali Islamic dacwatu Towxiid Centre ayaa ku howlanaa mudo Isbuuc ah ururinta lacagaha lagu fulinayo Mashruucani waxaana si weyn uga qeyb qaatay walaalaha soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada dibadda

Gabagabadii mashruuca ayaa waxaa soo arurtay lacag gaareysa ilaa $2000 ( labakun oo doolar ) , ka dibna waxaa loo direy dadkii baahnaa ee loogu talagalay waxaana lagu iibiyay Raashiin ceeyriin ah oo isugu jira Bur . Sonkor , Saliid , Timir loona qeybiyay qooysas gaaray ilaa laba boqol oo qoys kuwaa oo ah Barakacayaasha ku barakacay Duleedka Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Ceelsha Biyaha Si ay ugu kaalmeeystaan Afur maalmeedkooda Bisha Ramadaan ee Barakeeysan.

Qoys walibaa ayaa waxaa loo qeeybiayay 15 kiilo oo isugu jira Bur Sonkor Saliid iyo Timir , ma ahan markii ugu horeeysay ay wax u qeeybiyaan walaalaha Dacwatu towxiid dadka Saboolka ah ee ku sugan kaamamka qaxootiyada Muqdisho, waxaa lagu xasuusan karaa ineey sanadkasta qeeybiyaan Hilibka Udxiyada Raashiin Afur ah Zakaatul Fidri lacago Cadaan ah , Bacaha Roobka laga Hoos galo iyo u kaalmeeynta qaar ka mid ah Dhibanayaasha Soomaaliyeed.

Xiligii lagu guda jiray qeybinta raashiinkani ayaa waxaa inoo muuqanayay dadka sida ay ugu baahan yihiin in sidaan oo kale loo xasuusto oo waxaad ka dheehan kartay wajiyadooda iyaga oo qaar kood baaq u dirayay walaalaha ineey sii joogteeyaan samata bixintooda iyaga oo ad ugu soo duceeyey walaalihii xasuustey ee soo gaarsiiyey deeqdaan Allaah na uga baryey in uu miizaankooda xasanaadka ugu daro janona ugu bedelo meeshi ay kazoo baxiyeena wax ka khayr badan allaah u dhaafiyo .

Hadaba Bishani waa bishii acmaasha wanaagsan Ajirkeeda uu labalaabka ahaa qof waliba waa inuu ka faa’ideeysataa saameynta qeyrka loona tartamaa ugargaarida Dadka Dhibaataysan si loogu baxsado maanta maalin looga baahi badanyahay.

Insha Allaah Qofkii doonaya in uu ka qaybqaato taburucaatkan iyo khayrka ay walaalaha dacwatu tawxiid wadaan ha booqdo barta ay internetka ku leeyihiin ee paltalk ga.Qolka Somali Islamic Dacwatu Tawxiid Centre.

<a

Insha Allaah Qofkii doonaya in uu ka qaybqaato taburucaatkan iyo khayrka ay walaalaha dacwatu tawxiid wadaan ha booqdo barta ay internetka ku leeyihiin ee paltalk ga.Qolka Somali Islamic Dacwatu Tawxiid Centre.

Wablilaahi tawfiiiq

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s