SOO DHOWEYN DIIRRAN YAA RAMADAAN

SOO DHOWEYN DIIRRAN YAA RAMADAAN

Maalmuhu iyo bilooyinkuba waxay soo laablaabtaan-ba waxaa na soo martiyay bishii kheyrka badneyd ee Ramadaan. Waa hubaal inuu yahay marti culus oo aad u qiimo badan. Waa munaasabad cibaadeed oo aad u weyn, oo uu Eebbe (sw) ku dhaafo denbiyada addoomada ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaalmarka iyo xasanaadka qofkii isaga muteysta maamuuskaas.

Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na gaarsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan. Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba haleelay bisha ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib darro labadaasii tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe (sw).

Walaalayaal, bal ina keena si aan innagoo si farxad leh ku qaabilayna bisha ramadaan aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska lahayd ee uu noolaa Xabiibka Rasuulka (scw), bal si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtuba ugu soo dhoweyn jireen bisha Ramadaan. Ugu horeyntiiba, wuxuu Rasuulka (scw) ugu bishaarayn jiray muslimiinta bilashada bisha ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badnaa ee asxaabta waxay dhammaan bishaas barakeysan ku cammiri jireyn cibaado fara badan oo kala duwan.

Dadaalkii Rasuulka (scw) ee ramadaanka

Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri “ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray”. Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaaro ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas. Cumar Binu Khadaab (rc) marka la gaaro habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay khushuuc ku dheehan tahay u dheereen jiray salaadaha habeenka. Habeenka saqda dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku oran jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul aqrin jiray aayadda uu Alle (sw) ku leeyahay “waxaad qoyskaaga fartaa salaadda iyo zakada..”Suuradda Daha 132. Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa: “waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeenood, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”. Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.

Soonka waa la aqbalaa ducada

Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishaan kheyrka badan aan kula qaabilno towbad badan, qur’aan aqris badan, salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (sw) ka raalliga yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bishii xoreynta naarta. Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya arrintan “hadduu addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo” aayadda 186 suuradda Al-Baqara. Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yiri “seddex ducadooda lama celiyo”, waxayna saddexdaas kala yihiin: qofka sooman jeer uu ka afuro, madaxweynaha caadilka ah iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa”.

Deeqsinimada iyo soonka

Walaalayaal, sidoo kale, bisha ramadaan waa bil ku caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qr’aanka”. Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yiri “waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw). Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) qur’aanka la daraasayn jiray oo la aqrin jiray Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur’aanka bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka (scw) waxay qur’aanka khatimeen labo jeer.

Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa. Waa fadli aad u weyn.

Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa’iideystaan fadliga ramadaanka

Waxaa Idin Soo Gibiyay Maktabada Duubista Cajaladaha Diiniga Ah Ee Al-Badar Islamic Stereo & Book Shop
Niarobi-Kenya 7Street Next Xawaalada Dahabshiil – Islii
Tel.+254-721566131 Ama +254-733566131
E-mail. albadarislamic@hotmail.com Ama Albadarislamic@gmail.com
P.BOX 71636 -Nairobi-Kenya Isliiii

By AL-BADAR CHANNEL YOUTUBE ISLAMIC

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s