Bayaan Ka yimid Shabakadda Islaamiga ah ee Addacwah.com

بسم الله، والحمد لله والصلاة والسلام على رسول اللهShabakadda Islaamiga ah ee Addacwah waxey ku wargalineysaa uguna bishaareyneysaa walaalihii iyo ardaydii duruusta ka raacan jiray iyo dhamaan walaalaha guud ee ku tixnaa shabakadda in ay
hawada kusoo laabatay.
Marka xiga waxaan raali galin 100% ka bixineynaa waqtigii shabakaddu hawada ka maqneyd ayadoo aanan horey usii shaacin taas oo sababteedu aheyd in qolyihii serverka aanu ka kireysanay si lama filaan ah ay u xanibeen dhamaan duruustii ku jirtay addacwah ayagoo nagu cilleeyay in aanu isticmaalno bandwidth aad u badan waxeyna inoo soo direen Email ay ku qorneyd sharuudo aanan horey ugu hishiin.
Si kastood u diyaar garoowdo ama aad u toog heyso wax walboo imaan kara hadana qaddarAllaahu wamaa Shaa’a facal, mararka qaar ayaa qaladaadkaasu ka imaanayaa shirkadaha aanu ka kireysano serverada waxaanan ka dadaali doonaa insha Allaah in taasi aysan mar dambe dhicin.
Waxaanu dib usoo celinay dhamaan duruustii webka ku jirtay waxaa kale oo Allaah inoo fududeeyay inaanu kusoo kordhino duruus fara badan oon horey ugu jirin webka waxaanan diyaar unahay Insha Allaah inaanu ka shaqeyno u gargaarida xaqa iyo faafinta dacwada Allaah ee Xaqqa ah waxaan Allaah weydiisaneynaa in annaga iyo adinkaba uu xaqa inagu sugo dhagarta cadowgeenana Allaah inaga badbaadiyo.
Maamulka Shabakadda Islaamiga ah ee Addacwah.com








Mahadsanidin
JAZAAKLAAHU KHEER
Mahadsanidiin walaalayaal, waxaa iga su’aal ah waxaan ahay qof ku nool dalka dibadiisa, misna raba inuu mas’alo ku saabsan arimaha qoyska wax ka ogaado, in badan waan daalacdaa maktabadaha islaamiga ah, qof aan is orankaro waxbuu ku dhamaa halkan kuma hayo e, jazaakumulaahu khayran maad leedihiin cinwaam?…